Nidaaminta Gawaadhida Dadweynaha Hargeysa oo kulan laga yeshay
Hargeysa Mar 20,2012(SDN)-Shir lagaga hadlayo nidaaminta Gaadiidka basaska ayaa Maanta lagu qabtay Xarunta Dawlada Hoose ee Caasimada Hargaysa kaas oo ay ujeedadiisu tahay sidii kor loogu qaadi lahaa Bilicda Caasimada.
Shirkan oo ay ka soo qebgaleen xoghayaha fulinta dawladda haoose mawliid waris cabdilaahi, xildhibaan ismaacil caymis, xildhibaan khadar axmed Like iyo agaasimaha cashuuraha Rabiile cumar aw cabdi ayaa waxay ku sheegeen in la bilaabay maanta diwaan galinta basaska, kuwaasi oo loo samaynaayo nidaam ay ku shaqeynayaan, isla markaana la yareeyo cidhiidhiga ay suuqa ku hayaan.
Masuuliyiinta dawlada hoose waxa kale oo ay sheegeen in shirkadaha isgaadhsiinta iyo laydhka ay ugu baaqeeyn inay xadhkaha dariiqyada mara ay habeeyaan, islamarkaana nidaamka bilicda loogu talo galay.
Dawladda hoose ee hareisa ayaa wali waxa ay ku guda jirtaa hawlgalkii lagu nidaaminayey suuqa Caasimada si loo soo celiyo bilicdii Caasimada Hargaysa.
SDN-Hargeysa