|

Xiddiga Kooxda Bolton Fabrice Muamba oo Afweynta u Dhacay.

 

Tottenham-White Hart Line Stadium-Mar-19-2012-qurbejoog.com-Akhyaartay Todobaadkan iyo faaladeena ciyaaraha waxaynu ku jibaaxaynaa Xiddiga reer Congo una ciyaara naadiga Bolton ee cargia ingiriiska Fabrice Muamba oo afweynta u dhacay marey la ciyaarayeen naadiga Tottenham kana tirsaneyd horyaalka Ingiriisk

Waxay ahayd cayaar ku tirsan tartanka FA cup oo labada koox ay isku arkayeen.

 Dhaqaatiirta labada kooxood ayaa markiiba u soo gurmadey lanas tacaalayey muddo daqiiqada ah  isku dayayay in ay neef-siiyaan cayaaryahanka 23 jirka ahaa ka hor inta aan loola cararin isbitaalka.

Garsoore Howar Webb ayaa cayaarta joojiyay.

Cayaartu waxay maraysay 1-1 markii uu dhacay cayaaryahan Muamba.

Muamba ayaa lagu qaaday sariirta dhaawaca ama Bareelle.

ESPN ayaa sheegtay in uusan neefsanaynin markii la qaadayay.

Kooxda Bolton waxay sheegtay in cayaaryahankooda loo qaaday isbitaalka markii uu ku dhacay garoonka White Hart Lane waqtixaadirkana aan la haynin warar dheeraad ah.

Fabrice Muamba wuxuu horay ugu soo cayaaraya kooxaha Birmingham iyo Arsenal oo labadaba uu qadka dhexe ugu cayaaray.

Muamba sanadkii 2008 ayuu saxiixay qandaraas afar sano ah oo uu kula joogayo kooxda Bolton ilaa sanadkan 2014. Waxaana laga soo qaatay kooxda Arsenel oo ilaa in ka badan 5 million oo gini ay ku kacday.

Fabrice Muamba wuxuu soo caga dhigtey cariga Ingiriiska isaga oo 11 jir ah Aabihiina horey ayuu u daganaa London.

Muamba wuxuu ka mid ahaa cayaartoyda xulka qaranka Britain ee da’doodu ka hoosayso 21 jirka.

Muamba wuxuu ku dhashay magaalada Kinshasa ee dalka Congo sanadkii 1988,Cariga Ingiriiska oo dhana waa looga duceynayaa inuu xanuunka ka kaco.

W/D-Jaahuur

qurbejoognews.com

Comments are closed