|

BUUG CUSUB O KA HADLI DOONA DHACDOOYINKA SOMALILAND KA DHACAY INTU TALADA HAYAY MR SILANYO IYO WASIIRADIISU

illahay ayaa mahad leh

manta o ay tariikhdu tahay 03/19/2012 waxaan qalinka furka uga furay inan warbahinta kaga si bajiyo ama ugaba hanjabo xubno gaar ah oo ka tirsan xukuumada haatan talada haysa o u fahmay xilka lo igmaday inay xirfad iyo farsamo iyaga u gaar ah ku heleen una aqoonsanayn wadankan in lala leeyahay dadna u so shahiiday

maahmaah ayaa ahayd laydigu biyaha kashkiisa ku jira ayuu ka dida runtii rag badan o lo taag waayay ayaa markay maqlaan waxyaabo badan o lagu raad gurayo beerku sii waynaanaya

runtii ma jecli inaan halkan ka magacaabo se iyaguna way is garanayan dad badan o indho indheeya dhaqdhaqaaqa siyasada somaliland aad ayay u fahmayan se farta kuma fiiqayo

xilku ma aha wax lagu hago dhayal mana aha wax lagu hago siyasad iyo qabiil waxaan u arka in uu yahay arin lagu daadihin karo daacad iyo karti in aw qofku yeesho o aw daacad u noqdo illahay iyo bulshada aw hogaanka u yahay ee kalsoonida ku so gaadhsiisay madaxwayne ama wasiir  ama wakiil inta aw noolyahay hogaanka khaayisa wa lala xisaabtami doona sida rag badan oo african ah maanta maxkabadaha lo so taagay hadhaw marka aw dhintona tii illahay ayaa ka danbaysa o ay adagtahay sida looga baxayo

qoraalkaygani qabiil kuma salaysna shakhsi aan ku weerarayaana ma jiro kaliya waxaan xaq u leeyahay inaan ka hadlo meesha qaldan e sax u baahan taas o iga ah toosin

waxaan uga socda on manta maqal iska kooban aan ka so diyariyay inaan u digo masuuliyiin u dhaqmaysa si aad uga baxsan shuruucda u yaal somaliland iyo sharciga diinta islaamkaba o xalaashatay xuquuq shacbi xaraanna ka dhigtay xaq dad leeyahay

kuwaas o u adeegsanaya awooda lo igmaday kuwii u igmaday ku dul tumanaya o xaqoodi duudsiyaya

tan iyo 27/july o ahayd malinti madaxwayne ahmed silanyo kala wareegay xilka madaxtinimada somaliland madaxwaynihi hore mudane riyale waxaan la daba dhacdooyinki ka dhacay e fulintoodana ay ka masuulka ahaayeen xukuumada talada haysa haba kala qaadin madax ila minjo ee waxaan la daba taagna qalin

anigoo jecla inaan ka qoro buug ama aanka reebo taariikh fiican hadana siday wax u dheceenba anigoon been sheegahayn wax qaldanna aan ka qorahayn o la ila wada akhriyi doono ayaan ka diyaariyay buug dhamays tiran o gaadhaya ilama 500 o bage

runti laba sano may wada gaadhin ismana lahayn mudo sida u kooban ayay ku dhamays tirmi doonan 500 bage hadana way dhacday

hadaba buugas o dhamays tiran waxa aw so wada bixi doona mustaqbalka dhaw

waxaana si fiican oo isku dheeli tiran ugu duugan wanaag iyo xumaan wixii ay gaysteen xukuumada talada haysta wasiiradeeda ugu cad cad iyo dhamaan dhacdooyinki ka dhacay somaliland

aduunka waxaa la iska reeba tariikh nin xil qabtayna waxaa laga dhaxla taariikh talaabadan aan qaaday aad ayaan ugu faraxsanahay waxaanan ku hanbalyaynaya rag aad u tiro badan o iga caawiyay xog uruurinta buugan cusub oo kuna xusan buuga

waad mahadsantihiin

yaxye askar
yaxyem@hotmail.com
 

Comments are closed