15-ka Urur Siyaasaddeed oo saaka si isku mid ah Cududdooda ugu muujiyay Caasimadda Hargeysa
Hargeysa, 19, Mar 2012 (SDN)- 15-ka Urur Siyaasaddeed ee Somaliland ayaa saaka dhoola-tusyo xoogan ka muujiyay, degmooyinka kala duwan ee Caasimadda Hargeysa.
Ururrada ayaa goobo u dhaw Xarumahooda kusoo ururiyay dadwayne aad u tiro badan, iyadoo Urur kasta laga rabo kun qof oo madax-taabasho ah.
Hawlwadeennada Shabakada Wararka ee Somalidiasporanews oo saaka u kuurgalay hawsha tirinta Guddida Diiwaangelinta ee Ururada Siyaasadda, waxa laga dareemayay saxmadda gawaadhida iyo cidhiidhiga wadooyinka waawayn ee dhex mara magaalada, waxaanay indhaha dadku qabanayeen kumanaan dhalinyaro u badan oo saaran basaska rakaabka oo ay si gaar ah u kiraysteen Ururrada Siyaasadda ku loolmaya, waxaanay dadkaasi muujinayeen ama ay ku dhawaaqayeen taageerada ay u hayaan Ururka ay ka tirsan yihiin ama ay siteen astaamihiisa.
Shanta degmo ee Caasimadda ayaa si isku mid loogu arkayay taageerayaasha 15-ka Urur Siyaasaddeed oo ruxaya calamada iyo astaamaha Ururradaas, dhaqaaqa baabuurta ayaa ka badnaa sidii hore, ciidamada ammaanka ayaa iyagana lagu arkayay goobaha Ururradu kusoo bandhigayaan cududooda.
Hawshan maanta diiwaangelinta Ururrada Ururrada Siyaasadda tirinta kunka qof ee madax taabashada ayaa ah maalintii labaad, halka ay Guddida Diiwaangelinta shalay soo gunaanadeen tirinta cududda Ururrada ee magaalada Boorama.
Caasimadda Hargeysa oo ah magaalada ugu balaadhan uguna dadka badan Somaliland ayaa la filayay in hawsha Diiwaangelintu ay noqoto mid ka culays badan gobollada kale, balse Guddoomiyaha Guddida Diiwaangelinta oo Warbaahinta la hadlay tirinta ka dib waxa uu sheegay inay habsami ah ugu dhamaatay hawshaasi.
Dhinaca kale, gobolka Saaxil xaruntiisa Berbera ayaa bari la filayaa inay Guddida Diiwaangelintu hawsha tirinta ka bilaabaan, isla markaana ay uga sii gudbaan dhinaca gobollada bari ee Somaliand.
SDN, Hargeisa Somaliland