Guddoomiyaha cusub ee Hay’ada Shaqaalaha oo maanta Xilka la wareegay
Hargeysa, 18, Mar 2012 (SDN)- Guddoomiyaha cusub ee Hay’ada Shaqaalaha Dawladda Nuux Sheekh Muuse Ducaale ayaa xilkii kala wareegay Guddoomiyihii hore ee Hay’adaas Muxumed Aw-cabdi.
Munaasibada xil wareejinta oo maanta ka qabsoontay xarunta Hay’ada Shaqaalaha wax aka qaybgalay Wasiirka sii haya xilka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Marwo Ilhaan Maxamed jaamac , Madax kale oo ka tirsan hay’adaha dawlada iyo marti sharaf kale.
Waxa ugu horeyn ka hadlay Guddoomiyihii hore ee Hay’ada shaqaalaha Muxumed Aw-cabdi oo u mahadceliyay Madaxweynaha Somaliland iyo dhamaan shaqaalaha dawladda, waxaanu sheegay inuu ku qanacsan yahay xilka qaadista lagu sameeyay.
Waxa kale oo uu Guddoomiyihii hore ka warbixiyay qaabka ay u shaqayso Hay’ada Shaqaalaha iyo doorkeeda waxqabad.
Guddoomiyaha cusub ee Hay’ada Shaqaalaha Dawladda Nuux Sheekh Muuse Ducaale ayaa u mahadceliyay Guddoomiyihii hore ee Hay’adaas iyo shaqaalaheedaba.
SDN, Hargeisa Somaliland