Somaliland: Urur-siyaasadeedyada cusub oo maanta waajahay shuruudihii u dambeeyay ee guddiga Diiwaangelinta Ururada iyo Ansixinta Asxaabta
Boorama 18, March 2012 (Qurbejoog.com)- Ururada cusub ee siyaasadda Somaliland, ayaa maanta waajahay shuruudihii u dambeeyay ee guddiga Diiwaangelinta Ururada iyo ansixinta Asxaabta siyaasaddu ku xidheen.
Guddiga Diiwaangelinta Ururadu waxay maanta wejigii ugu dambeeyay ee kala-hufida ururada tirada badan ay ka bilaabeen magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ee Galbeedka Somaliland.
Hawlgalka guddiga Diiwaangelintu ka bilaabeen Boorama oo wada saameeyay urur-siyaasadeedyada cusub, waxa uu la xidhiidhaa sidii ay u hubin lahaayeen in urur kastaa xafiis xafiiskiisii gobolka Awdal ka furtay magaalada Borama iyo inay si madax-taabasho ah u tiriyaan inuu urur kastaa haysto 1,000 qof oo ka mid ah kuwa ka diiwaangashan degmo-doorashadaas.
Hawlgalkani waxa uu isla galabta ka soo gebogaboon doonaa Boorama, waxaana beri oo Isniin ah laga bilaabi doonaa caasimadda Hargeysa.
Guddoomiyaha guddiga Diiwaangelinta Ururada Mr. Cabdirisaaq Jaamac Ciyaale, ayaa ururada ugu baaqay inay hubiyaan in dad aan reer Somaliland ahi ku dhex dhuuntaan safafka taageerayaasha ururada ee sida madax-taabashada ah loo tirinayo, isla markaana ay nidaamka iyo amniga guud ilaaliyaan.
Hawlgalkan oo ah kala-haadintii u dambeysay ee ururadu waajahaan, waxa uu ka dib ku fidi doonaa dhamaan gobollada, si markaa ka dib ay guddigu ugu dhawaaqaan natiijada iyo cida urur ahaan ugu gudubtay inay ka qaybgalaan doorashada soo socota ee Deegaanka.
Qurbejoog.com, Hargeysa
editor@somalidiasporanews.com