|

Xubnaha ku loolamaya Jagada ku-xigeenka 1aad ee Wakiillada oo isa soo taraya iyo ku-xigeenkii 2aad oo ka mid noqday tartamayaasha

Hargeysa, 17, 2012 (SDN)- Mudanayaasha Golaha Wakiillada ayaa fadhigii maanta ku ansixiyay aqbalaada is-casilaadii Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golahaas Cabdicasiis Maxamed Samaale oo loo magacaabay Wasiirka Maaliyada.

Fadhigan oo uu shirguddoominyay Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxay mudanayaashii madasha kazoo xaadiray ka aqbaleen Guddoomiye ku-xigeenkoodii is-casilaad uu dhawaan u gudbiyay Shirguddoonka.

Dhinaca kale, Guddoomiye Ku-xigeenka 2aad ee Golaha Wakiillada Baashe Maxamed Faarax ayaa isaguna iska casilay jagadaas, isla markaana u gudbiyay Shirguddoonka, waxaanu Baashe oo muddooyinkii u dambeeyay dalka dibadiisa ku maqnaa shaaca ka qaaday  inuu isu taagayo jagada ku-xigeenka 1aad ee uu baneeyay saaxiibkii Cabdicasiis Samaale.

Waxay maalmhii u dambeeyay warbaahintu qorayeen xubno ka mid ah Golaha Wakiillada oo u tartamaya jagada uu baneeyay Cabdicasiis Samaale, balse ilaa hadda ma cadda igu dhaw qabashada xilkaas.

SDN, Hargeisa Somaliland

Said8090@gmail.com

Comments are closed