Eritrea oo shaacisay in aaney weerarcelin sameyneyn
Asmara Mar 17,2012(SDN)-Dawlada Eritreaa ayaa caalamka u cadeysay in aaney damacsaneyn in ay jawaab weerar celin ah ku qaadi doonin Itoobiya oo maalinimadii Khamiista shaacisay in ay weeraratay xeryo ku yaal guddaha dalkaa.
Wariirka Arrimaha dibedda ee dalka Eritrea Cali Cabdo ayaa saxaafada u xaqiijiyay in dalkiisu aanu dagaal doon aheyn.
“Kuwa dagaalada ku degdegaa waa isla kuwa ku guul dareysta”ayuu yidhi wasiirku mar uu u waramayay BBCda.
Dawlada Mareykanka ayaa labada dal ku boorisay in aaney qaadin wax tilaabo ah oo xaalada sii murgin kara.
Balse dawlada Eritrea ayaa Mareykanka ku eedeysay in ay duulaanka Itoobiya dabada ka wado.
“Ma aha uun dalkayaga balse tilaabooyinka Mareykanku waxa ay yihiin qaar khal khal lagu gelinayo mandaqada”ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibedda ee Eritrea Cali Cabdo.
Itoobiya ayaa Khamiistii sheegtay in ay weerar ku qaaday sadex xero oo ay Eritrea ku tababareysay argegixiso,isla markaana ay weerarkaa dad dhawr ah ku soo qabqabatay.
SDN-Asmara