|

Madaxweynaha Somaliland oo dhambaal tacsi ah u diray kuxigeenkiisa

Hargeysa 16, March 2012 (Qurbejoog.com)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa dhambaal tacsi ah u diray ku-xigeenkiisa Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici).

Sida lagu sheegay qoraal kooban oo afhayeenka Madaxtooyada Mr. Cabdullaahi M. Daahir (Cukuse) soosaaray, Madaxweyne Siilaanyo waxa uu Madaxweyne kuxigeenka ka tacsiyadeeyay aabihii oo Jimcihii maanta ku geeriyooday magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ee Galbeedka Somaliland, wuxuuna dhambaalkaa tacsida ahi u dhignaa sidan; “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa, Madaxweyne ku-xigeenka JSL, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo uu ka tacsiyadaynaayo Geerida ku timid  Aabbihii Cabdilaahi Ismaaciil Shire oo ku Geeriyooday Gobolka Awdal gaar ahaan Boorama 16/03/2012,

Sidoo kale madaxweynuhu waxa uu tacsi taa la mida u dirayaa Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland, ee uu ka baxay Marxuuumku.

Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Madaxweyne ku-xigeenka JSL, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.”

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed