|

Mid ka mid ahaa shaqaalaha Villa Soomaaliya oo Shabaabka gacan ka siiyay qarixii madaxtooyada

Muqdisho Mar 16,2012(SDN)-Mid ka mid ah shaqaalaha ka hawlgala Madaxtooyada Muqdisho ayay soo baxday in uu gacan siiyay qarixii dhawaanta halkaa ka dhacay ee Shababaku sheegtay.

Afhayeenka Dawlada Cabdiraxmaan Yariisow ayaa saxaafada u sheegay in ruuxan oo qudhiisa qaraxa ku dhintay in uu gacan siiyay labdii ruux ee Villa Somalia isku qarxiyay.

Kooxda Shabaabka ayaa sheegtay qaran oo ay ku dhinteen 5 ruux halka 10 kalena ay ku dhaawacmeen.

Shabaabka ayaa intii Muqdisho laga saaray waday qaraxyo ay ku bartilmaansanayaan goobaha dawlada.

SDN-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed