|

Jabuuti oo ganacsade caana xabsiga ku jira dhawr maalmood,maxey tahay sababtu?

Jabuuti Mar 16,2012(SDN)-Ganacsade caana oo ka mid ahaa raga sida weyn ay isugu dhawaayeen madaxwenha Jabuuti Ismaciil Cumar Geelle ayaa xabsiga loo taxaabay dhawr maalmood ka hor.

Ganacsadahan oo la yidhaahdo Cali Cilmi oo lagu naaneyso Ous ayaaney cadeyn sababta uu xadhiga ku muteystay.

Cali Ous ayay dad xogogaal ahi sheegeen in uu qandaraasyo ku heystay mashaariic dahsoon oo kolkii danbe la iskuĀ  afdhaafay.

Halka qaarna ay qabaan in la isku dhacay madaxda kale ee dalka oo lagu heshiin waayay maaliyada dalka.

Cali Ous ayaa intii aan xabsiga la dhigin waxa uusafar ku tegay dalka Faransiiska,dadka qaar ayaa qaba in uu dalkaas u gudbiyay xog,ayna sababtaa tahay ta lagu xidhay.

Isku soo xooriyoo Ganacsade CaliOus ayaa lagu waday in shalay maxkamad la horgeeyo balse ma ay dhicin,lamana garanayo sababta.

Cali Ous waxa uu noqonayaa Ganacsadihii u danbeeyay ee ay xukuumada isa seegaan sanooyinkii u danbeeyay,xukuumada Jabuuti ayay hore isu seegeen ganacsatada Cabdiraxmaan Boore iyo Cumar Ceydiid oo labadaba ay hore isugu wanaagsanaayeen.

SDN-Jabuti

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed