|

Kulan ay wada jir uga qeybgaleen macalimiinta dugsiyada sare iyo masuuliyiin ka socota Jaamacada Golis oo looga wadahadlay u diyaarinta Ardeyda Jaamacadaha

Hargeysa Mar 15,2012(SDN)-Kulan ay soo qaban qaabisay Jaamacada Golis isla markaana ay ka soo qayb galeen qaar ka mid ah Maamulayaasha dugsiyada sare ee Caasimada oo lagaga hadlayay sida ugu haboon ee la isu waafajin karo  maadada uu rabo in ardayga dugsiga sare dhamaystay uu ka barto Jaamacada taas oo ka qabsoontay Huteelka Maansoor ee Caasimada Hargaysa.

Waxaa Kulankan ka wada qayb qaatay Maamulka Jaamacada Golis, Maamulayaasha Dugsiyada Sare ee Maxamud Axmed Cali iyo Gacan Libaax iyo Xubno ka socday ardayda.

Gudoomiyaha Jaamacada Golis Dr.Siciid  Axmed Xasan oo halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay sida ay daruuriga u tahay in ardaygu inta aanu jaamacada soo gelin loo ogaan lahaa Maadada uu ku fiican yahay taas oo meesha ka saaraysa sida uu sheegay inaan ardayga wakhti badani kaga dhicin maado aanu xiiso u hayn.

Gudoomiyaha Jaamacada Golis waxa uu xusay in sababta ay kulankan u soo qaban qaabiyeen ay u arkaan dugsiyada sare oo ah warshadii soo saarta ardayda galaysa jaamacadaha inay ka helaan rikoodh ay ku jaangooyaan maadada uu arday kastaa ku fiican yahay, Dr Siciid Axmed Xasan waxa uu intaas ku daray kuliyaadka ay jaamacadani ka kooban tahay iyo waxyaabaha ay ku soo kordhin doonaan waxaanu tusaale u soo qaatay kuliyada Xoolaha oo sannadkan gudihiisa ay ku talo jiraan inay furaan taas oo keenaysa ayuu yidhi in wax laga badalo qaabkii aynu xoolaha u dhaqan jirnay .

Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Axmed Jaanbiir Suldaan oo ka mid ah Gudida sare ee jaamacada Golis iyo Maamulayaasha dugsiyada Sare waxaanay dhamaantood soo dhaweeyeen kulanka noocan oo kale ah oo wax badan ka taraya sida ay sheegeen jaangoynta maadada uu rabo ardaygu inuu barto.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed