|

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Rome kulan kula qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed, booqashana ku tegey Xafiisyada Safaarada

Rome Jan 30,2012(qurbejoog.com)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali oo booqasho rasmi ah ku jooga Rome, ka dib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga ayaa booqday Xafiisyada Safaarada Soomaaliya si uu ugu kuurgalo hantida Qaranka iyo xaalada ay ku suganyihiin.

Safiirka Soomaaliya Nur Hassan Hussein ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku soo wareejiyey Guryaha iyo Xafiisyada Safaarada oo badankood uu bur-bur ka muuqday una baahan dayactir xoogan.
 
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Safaarada iyo shaqaalaheeda kala qeybgalay Qado Sharaf ay Safaaradu u sameysey Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdiga la socda.
 
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali ayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed kula kulmay Rome ugana warbixiyey xaalada dalka, horumarka baaxadda leh ee laga sameeyey dhanka Amniga, Dib-u-heshiisiinta, Isku xirka Maamulada dalka iyo Dowladda dhexe, Maamul Wanaaga,

Dastuurka qabyo qoraalka ah iyo Gar-gaarka Bani’aadanimo. Ra’iisul Wasaaraha ayaa waqti dheer siiyey Soomaalida oo uu uga jawaabayey su’aalaha ay qabaan, isla markaana dhageysanayey talooyinka ay Jaaliyadda Soomaaliyeed u soo jeediyeen Ra’iisul Wasaaraha iyo Dowladda. Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Jaaliyadda Soomaaliyeed dadaalkooda, kana codsaday inay sii laba jibaaraan oo ay kaalin xoog leh ka qaataan dib-u-dhiska dalka.

Qurbejoog-Rome

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed