|

Talyaaniga oo soo jeediyay talo laga xumaado oo Soomaaliya ku wejahan iyo Reysul wasaare Gaas oo dalkaa u booqoolay

Rome Jan 28,2012(qurbejoog.com)- Dawlada dalka Talyaaniga oo iyadu hore u gumeysatay qeyb ka mid ah dhulka Soomaalida ayaa talo waxa uu ka soo jeediyay xal loo helo siyaasada murugsan ee Soomaaliya.

Qoraal dalkaa ka soo baxay ayaa lagu sheegay in guud ahaan Jamhuuriyadii Soomaaliya lagu celo maxmiyad ay wadajir u xukumaan dalalka reer Yurub Midawga Africa iyo Qaramada Midoobey.

Taladan Talyaaniga ayaa ku soo begmeysa iyada oo lagu wado bisha soo socota in dalka Britan lagu qabto shir Soomaalida dawlad loogu soo dhiso.

Talyaanigu waxa uu leeyahay dawlad ka kooban QM AU iyo EU haloo dhiso Soomaalida iyada oo laga qeybgelinayo tiro aqoonyahan Soomaali ah oo dalka u diyaariya doorashooyin iyo Dastuur dhab ah oo uu yeesho.

Taladan Gumeysi ku celinta ah ayaa sawir ka bixineysa arxan darada caalamka iyo talo xumada Soomaalidu caanka ku noqotay 30kii sano ee u danbeeyay.

Reysul wasaaraha Soomaaliya ayaa u boqoolay dalkan gumeystaha ah ee taladii ugu xumeyd ebidĀ  soo bandhigay.

Dalalka Dunida masuuliyiintooda iyo wax garadkooda waxa lagu yaqaanaa in ay ka dhiidhiyaan dibindaabyada cadawga iyo qaadacaada talooyinka guracan.

Soomaalida ayaa ka ogolaad sanadihii u danbeeyay in dalal Afrikaan ah iyo denbiileyaal Islam sheegta in dalkooda ay ka dhigaan goob dagaal isla markaana adun looga qaato dunida.

Markaa waa la fili karaa in arinba arinka ka guracan in lagula soo doonto,ileyn waa halka aad isdgtaye.

Qurbejoog-Rome
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed