|

Twitter oo la qaadacay,maxay tahay sababtu?

Washington Jan 28,2012(qurbejoog.com)-Barta Internetka ee Twitter ayaa shaacisay goaan ay ugu ogolaaneyso dalalka ay ka hawlgasho in ay xakameeyaan qoraalada ay dadku dalkaas ka soo qoraan.

Goaankan oo ka cadheysiiyay inta badan dadka isticmaala bartan ayaa looga gol leeyahay in shirkada lihi ay ka hawlgasho dalal badan oo aaney ka jirin xoriyada saxaafada.

Dadka sida weyn u isticmaala Twitter ayaa shaaciyay in ay hakiyaan mudo maalmo ah isticmaalka bartoodan si ay fariin cad ugu diraan maamuleyaasha Twitter.

Twitter ayaa lagu amaanaa doorkii ay ku leheyd kacdoonadii ka dhacay dunida carabta sanadkii ina dhaafay,waana sababtaa ta ka danbeysa goaankan lagu xakameynayo isticmaalka Twitter.

Qurbejoog-Washington
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed