|

Waa maxay nuxurka Safarka Wasiirada Somaliland ay degdega ugu kicitimeen Adis Ababa?

Hargeysa Jan 27,2012(qurbejoog.com)-Wasiirka arrimaha dibedda oo uu weheliyo wasiirka arrimaha guddaha ee Soomaalind ayaa maanta safar degdega ugu anba baxay dalka Itoobiya iyada oo safarkoodu kala ujeedo ahaa.

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Md Maxamed Cabdilahi Cumar ayaa ujeedada safarkiisu yahay sidii xog said ah xukuumadu uga heli laheyd shirka dawlada Britain qalqaalineyso.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa kolkii hore qabay in dan shaqsiyadeed ugu jirto shirka balse iminka ay soo baxday in aan xitaa loo ogoleyn in uu halkaa ka qudbeeyo.

Madaxweynaha ayaa Britain u ogolaatay in fadhiisto halka uu shir guddoonka fadhiyo fardhiisto ee aanu la fardhiisan doonin siyaasiyiinta Somalilada.

Madaxweynaha ayaa iminka qudhiisa dantiisa ka waayay shirka London,si hadaba uu hadal cad oo uu ku qanco u helo ayuu wasiirkiisan ugu diray safaarada Britain ee Itoobiya.

Wasiirka arrimaha Guddaha Somaliland Md Maxamuud Caraale Duur ayaa isna safar degdega ugu baxay Adis Ababa si dawlada dalkaas uu ugala soo hadlo kooxaha dagaalka Somaliland kula jira ee garabka ka helaya ciidamada New Policeka loo yaqaano ee hoos taga madaxeynaha Kilinka Shanaad Cabdi iley.

Ciidamada Somaliland ayaa degaanka xadka saaran ee Buuhoodle kula dagaalamaya kooxo degaanka ah oo taageersan goaan dhawaan ka soo baxay shir Taleex lagu qabtay oo looga dhawaaqay maamula goboleedka Khaatumo.

Wasiir Duur ayaa xukuumada Adis Abab xusuusin doona heshiisyadii amniga ee labada dhan ee salka ku hayay in aan midna ka kale dhulkiisa looga soo duulin.

Qurbejoog-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed