Burcad-badeed: Mareykanku hadii uu isku dayo in uu xoog ku furto ninkan aanu heysano waa la wada dhiman doonaa
Gaalkacyo Jan 27,2012(qurbejoog.com)-Burcad-badeed afduub ku heysata nin Mareykan ah oo wariye ah ayaa maanta war ay soo saaren ku sheegay hadii Mareykanku isku dayo in uu furto in ay dilayaan isaga iyo cidii isku dayda in ay furato.
Hadalkan ayaa jawaab u ah hawlgal ciidamada Mareykanku ay ku furteen laba ruux oo ay Burcad-badeed kale ku heysatay isla aagaasimaalinimadii arbacada.
Ninkan ay burcadu heysato oo la yidhaa Michel Scott Moore ayaa kolkii hore la sheegay in uu yahay khabiir dhanka shidaal baadhista balse iminka la sheegay in uu suxufi yahay.
Burcada ayaa saxaafada u sheegay in 24kii saac ee ina dhaafay ay ninkan isaga gudbiyeen ilaa sadex goobood oo kal durugsan si aan loo furan.
“Hadii ay Markale(USA) isku dayaan in ay ruux furtaan gidigeen waanu isla dhimaneynaa,ma sahlana in Mareykan la afduubto oo waa khamaar lagu dhinto ama lacag faro badan laga helo,markaa waanu sii heysaneynaa ninkan inta madax furasho na laga siinayo”sidaa waxa yidhi Xasan Cabdi oo ka mid ah Burcada.
Mareykanka ayaa maanka ku hayay in hadii ay furtaan qaar ka mid ah la heysteyaasha in nolosha kuwa kale ee la heysto ay khatar geli karto,balse xaalad caafimaad oo soo wejahday Jesica Buchanan ayaa soo dedejisay in hawlgalka Mareykanku qaado.
Qurbejoog-Gaalkacyo
contact@somalidiasporanews.com