|

Guddoomiyaha Wakiilada Cabdiraxmaan Ciro oo been fariimay madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland iyo khilaafkii oo cirka isku sii shareeray.

Hargeysa Jan 26,2012(qurbejoog.com)-Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Saylici ayaa aad uga cadhooday hadal shalay ka soo yeedhay gudoomiyaha gollaha Wakiilada oo sheegayay in la xaliyay khilaafkii u dhexeeyay madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.

Guddoomiye Ciro ayaa saxaafada la hortagay hadalkan uu ku sheegay in la xaliyay khilaafkii u dhexeeyay madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo iyo ku-xigeenkiisa Cabdiraxmaan Saylici.

Ilo wareedyo ku dhaw dhinacyada ishaya ayaa qurbejoog.com u xaqiijiyay in madaxweyne ku-xigeenku aad uga cadhooday hadalkan aan salka laheyn isla markaana saxaafada u balansaday in uu xaqiiqada sheego maanta.

Balse kulan xalay dhexmaray Madaxweyne ku-xigeenka iyo guddidii dhexdhexaadinta ee ka koobneyd shir guddoonka Wakiilada iyo guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi ayaa xaal looga bixiyay hadalka marin habaabinta ahaa ee Ciro ka soo yeedhay.

Khilaafka Madaxweynaha Somaliland iyo ku-xigeenkiisa ayaa salka ku haya awood maroorsiga xubno wasiiraha oo heysta dhegta madaxweynaha iyo tixgelin la’aan.

Masuulka labaad ee dalka u sareeya ayaa dhalin iyo haween wareeriyay madaxweynaha ay gaadhsiiyeen in uu xilka isaga casilo hadaanu madaxweynuhu wax ka qaban.

Qurbejoog-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed