Mareykanka oo Kenya ku booriyay in aaney celin Qaxootiga Soomaalida
Washington Jan 26,2012(qurbejoog.com)-Dawlada Mareykanka ayaa jawaab adag ka bixisay hadal Kenya ka soo yeedhay oo tibaaxayay in iminka lajoogo xiligii qaxootiga Soomaalida dalkooda dib loogu celin lahaa.
“Waxaanu rajeyneynaa kuna boorineynaa in dawlada Kenya ay kafaalo qaado baahiyaha qaxootiga Soomaaliya ee dalkeeda ku sugan,mana aha in dalkooda dib loogu celiyo qaxootiga si loo sameeyo aag iska moosid ah”sidaa waxa yidhi David Robinson oo ah ku-simaha xoghayaha kaaliyaha ee bulshada,qaxootiga iyo soogelootiga dalka Mareykanka.
Hadalka masuulkan ka soo yedhay ayaa yimi ka dib kolkii uu dhawaan xoghayaha joogtada ah ee wasaarada amniga qaranka ee Kenya Francis Kimemia uu sheegay in Soomalida dalkooda lagu celinayo.
“Dawladeenu waxay ka shqeyneysaa sidii Somalida dalkooda loogu celin lahaa bacdamaa iminka la sameeyay goobo colaadaha ka caagan oo guddaha Somaliya ah” ayuu yidhi Mr Mimemia.
In ka badan nus million Soomaali ah ayaa haatan ku sugan guddaha xerada qaxootiga ugu badan ee dunidu ay ku nool yihiin ee dhadhaab.
Qurbejoog-Washington
contact@somalidiasporanews.com