Ciidamada Kenya iyo kuwa DKMG oo deegaano ka qabsaday Al Shabaab
Ceel-cade 04, 2012(qurbejoog.com)- Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo garab Milatari ka helaya kuwa Kenya ayaa galinkii dambe ee maanta la wareegay deegaano badan oo ka tirsan Gedo oo ay horey ugu sugnaa Kooxda Al Shabaab.
Dad goobjoogayaal ah oo ku sugan deegaano ka tirsan gobolka Gedo ee Koofurta Soomaailya ayaa waxa ay u sheegeen Website-ka Somalidiasporanews.com in galinkii dambe ee maanta halkaasi ay weerar culus oo aan kala joogsi laheyn kusoo qaadeen Ciidamada Milatariga Kenya iyo dowladda oo is garabsanaya.
Dagaalka ayaa la sheegay in uu ahaa mid culus islamarkaana labada dhinaca ay isku adeegsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan, iyadoo halkaasi ay ku dhinteen dad badan oo rayid ah oo qasaaro kasoo gaartay rasaas iyo Madaafiicda ay is weedaarsanayeen dhinacyadaasi.
Al Shabaab ayaa la sheegay inay dib ugu gurteen deegaano ay ka mid yihiin Ceel-cadde, Ceel-gaduud iyo deegaano kale, waxaana la sheegay in deegaanadaasi ay dhabarka dambe marsadeen Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya iyo dowladda KMG Soomaaliya.
“ Mar kaliya ayaa waxaan maqalnay rasaas cul culus iyo madaafiic kusoo hoobanaysa deegaanka Ceel-cadde, waxay ahaayeen Ciidamada Kenya iyo dowladda KMG, dad badan ayaa ku dhintay aniga ma sheegi karo tirada, laakiin waxaan maqlay in Al Shabaab ay isaga baxeen deegaanka” sidaasi waxaa tiri Haweenay ku sugan deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo.
Saraakiil ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya oo hadlay ayaa waxa ay sheegeen in caawa ay ku barin doonaan deegaanadii ay kala wareegeen Al Shabaab, iyagoo intaasi ku daray in shacabka ku nool halkaasi ay ka xureeyeen gumeysi ay sheegeen inay ku hayaan Kooxda Al Shabaab.
Al Shabaab wali war kama soo bixin oo ku aadan dagaaladaasi inkastoo gobolo badan oo ka mid ah dalka uu culees kasoo wajahay Al Shabaab kadib markii lagu qaadayo duulaano Milatari oo isku dhaf ah.
Qurbejoog-Ceel cade