Gudoomiyaha barlamanka Somaliya oo loo doortay Xildhibaan Madoobe Nuunoow Max’ed
Muqdisho Jan 04,2012(qurbejoog.com)-Waxaa maanta la doortay gudoomiyaha barlamanka KMG Soomaaliya kadib shir xasaasi ah oo ay Xildhibaanada ku yeesheen Muqdisho.
Kadib kulan xasaasi ah oo ay ku yeesheen Xildhibaanada barlamanka Xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ku doorteen gudoomiyaha barlamanka KMG Soomaaliya.
Xilka gudoomiyenimo ayaa waxa u tar tamayay ilaa 6-Xildhibaan oo mid ka mid ah inta aan la galinin doorashada iska tanaasulay waxaana Xildhibaanada xilka u tartamayay ka mid ahaa Xildhibaan Madoobe Nuunoow Max’ed, Xildhibaan C/casiis Xasan Max’ed, Xildhibaan Cali Sheekh C/laahi Afgooye, Max’ud Macalin Yaxye, Xuseen Cismaan Xuseen, Sheekh Nuur Cali Aadan, waxaana wareegii koowaad kusoo baxay Xildhibaana Madoobe Nuunoow Max’ed oo haley 130-cod.
Xildhibaanadii kale ee u tartarmaysay xilkaasi ayaa waxa codadkii ay heleen ugu shubeen Madoobe Nuunoow Max’ed, isagoo markii laysku soo wada ururiyay codadkaasi uu helay 258-cod taasi oo ka dhigtay in uu noqdo gudoomiyaha barlamanka KMG Soomaaliya.
Intaasi kadib waxa ay sheegeen inay la shaqeyn doonaan Madoobe Nuunoow Max’ed oo ah gudoomiyaha barlamanka KMG Soomaaliya, isagoo islamarkiiba halkaasi lagu dhaariyay gudoomiyaha barlamanka.
Markii uu soo gaba gaboobay kulanka qaatay mudada dheer ayaa waxaa Ciidamada Midowga Afrika AMISOM oo ku sugnaa halkaasi ay galbiyeen gudoomiyaha barlamanka Madoobe Nuunoow Max’ed, iyadoo guud ahaan jawiga Xarunta golaha shacabka uu ahaa mid kusoo dhamaaday farxad iyo reen reen.
Qurbejoog-Muqdisho