Shirweynihii 3aad ee Xisbiga UCID oo si rasmi Hargeysa uga furmay
Hargeysa, 04, January 2012 (Qurbejoog.com)- Shirweynihii 3aad ee Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka ee UCID ayaa si rasmi ah maanta uga furmay magaalada Hargeysa.
Shirkan oo socon doona muddo laba maalmood ah waxa ka qaybgalay ergooyin kala duwan oo ka kala socda Gobollada iyo Degmooyinka dalka. Sidoo kale waxa qaybgalay masuuliyiin ka tirsan Xisbiga UDUB, Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland Muj. Xasan Ciise Jaamac, qaar ka mid hogaamiyeyaasha Ururrada siyaasadda, taageerayaasha Xisbigaas iyo marti sharaf kale.
Waxa ugu horeyn lagu soo bandhigay madasha Shirweynaha ajandaha siyaasaddeed ee Xisbiga UCID u dejisnaa muddadii uu jiray, isla markaana uu ku hagi doono talada dalka haddii uu ku guulaysto mustaqbalka.nyaasaddeed ee uu soo maray, waxaanu guddoomiyuhu daboolka ka qaaday inaanu dib isugu soo taagayn jagadad musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga, isla markaana uu ku wareejin doono cidda uu u garto inay Somaliland hagi karto.
“Muddadii aan Somaliland arrimaheeda bilaabay waxa laga joogaa 20 sanno, bishii labaad 1992-kii ayay ahayd barnaamijka xisbiga waxaanu samaynay 1997-kii, waxaan aad uga xumahay in 20 sanno ka hor wixii aanu ku hamiyaynay inaanu wax ka hirgelay jirin. 20 sanno ka dib Somaliland way ictiraaf la’aanaysaa ismaan lahayn, 20 sanno ka dib maamulka Somaliland deegaannada qaarkood gaadhi maayo ismaan lahayn.” ayuu yidhi Guddoomiyuhu.
Eng. Faysal Cali Waraabe waxa uu shaaciyay inaanu dib isugu taagayn jagada Musharaxa Madaxweyne.
“Anigu 20 sanno ayaan halkan joogay dhaqaale ahaan waan burburay, jidh ahaan waan burburay, waxaan diyaar u ahay manta qofkii aan is-idhaahdo Somaliland isaga ayaa ka saaraya dhibaatadan inaan gacan siiyo aan sharaxo.”
Waxa kale, guddoomiyaha Xisbiga UCID wuxuu naqdiyay siyaasadda Xukuumadda talada haysa ee ku wajahan shirka dhawaan ka furmay deegaanka Taleex ee ka tirsan Gobolka Sool, shirkaasoo uu ku tilmaamay mid lid ku ah qaddiyada iyo gooni isu-taaga Somaliland, isla markaana waxa uu carrabka ku adkeeyay in dalku waqtigan u baahan yahay talo qaran oo la isugu yimaado.
Sidoo kale, waxa shirweynaha Xisbiga UCID ka hadlay masuuliyiin ka socday xisbiga UDUB iyo qaar ka mid ah hogaanka Ururrada Siyaasadda ee dhawaan dalka lagaga dhawaaqay.
Qurbejoog-Hargeysa