Ciidamo badan oo Shabaab ah oo tababar loogu soo gaba gabeeyay Dinsoor
Dinsoor 04, January 2012 (Qurbejoog.com)- Ururka Al Shabaab ayaa tababar usoo gaba gabeeyay boqolaal ciidan oo ka tirsan Ururkaasi kuwaasi oo la sheegay inay la dagaalami doonaan Ururkaasi.
Wararka imaanaya degmada Dinsoor ee gobolka Bay ayaa sheegaya in halkaasi tababar loogu soo gaba gabeyay boqolaal Ciidamo oo ka tirsan Ururka Al Shabaab kuwaasi oo Saraakiisha Shabaabku ay sheegeen inay ka qeyb qaadanayaan dagaalada looga soo horjeedo dowladda KMG iyo Ciidamada Midowga Afrika AMISOM ee ku sugan Magaalada Mudisho.
Dadka loo soo gababeeyay tababarka ayaa u badna dhalinyaro yaryar oo lagu gobaabiyay inay la dagalamaan dowladda KMG Soomaaliya iyo Ciidamada AMISOM oo ay tilmaameen inay kusoo duuleen dalka.
Degmada Dinsoor ayaa waxaa gawaari farabadan laga soo saaray Ciidamo ka tirsan Ururka Al Shabaab oo ka tirsan Al Shabaab kuwaasi oo loo diyaariyay dagaal ka dhan ah dowladda KMG Soomaaliya sida uu xaqiijiyay gudoomiyaha degmada Dinsoor ee Maamulka Al Shabaab.
Saraakiishu Shabaabku waxa ay sheegeen in Ciidamadaasi la kala geyn doono farumaha hore dagaalka ee Muqdisho iyo gobolada dalka Soomaaliya si ay ugu duulaan Ciidamada kasoo horjeeda ee ku sugan halkaasi.
Al Shabaab ayaa marar badan waxa ay tababar usoo xireen boqolaal Ciidan oo ka tirsan Ururkaasi kuwaasi oo la sheegay inay u badna yihiin Caruur, waxanaa la’ogayn halka ay ku dambeyn doonaan Ciidamada maanta tababarka loo soo gaba gabeeyay.
Qurbejoog-Diinsoor