|

Mucaaridka Jabuuti oo afhayeen u magaacaabay Yurub

Paris Jan 04,2012(qurbejoog.com)-Madaxa midawga mucaaridka Jamhuuriyada Jabuuti UDJ Mr. Ismail Guedi Hared ayaa Mr. Ahmed Hachin Loit u magaacaabay afhayeenkooda reer Yurub.

Mr. Ahmed Hachin Loit oo hore u ahaa uqaabilsanaha UDJ ee dalka Faransiiska ayaa uu madaxa UDJ u arkay in uu muhiim u yahay in uu ururka dhanka saxaafada ku metelo.

Afhayenka ayaa qoraal ka soo baxay xafiiska Mada UDJ Mr. Ismail Guedi Hared lagu sheegay in uu yahay halgamaa saxaafada ku dagaalama si dalka Jamhuuriyada Jabuuti looga dhaliyo nidaam talo wadaaga.

Mr. Ahmed Hachin Loit ayaa labadan xil ee uu hayo loogu gartay dedaal dheeri ah oo uu muujiyay mudadii uu hayay xilka madaxa UDJ ee dalka Faransiiska.
Qurbejoog-Paris
contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed