|

Meliishaadkii Mucaaradka Libiya oo isku dhacoodu sii kordhayo

Tripoli Jan 04,2012(qurbejoog.com)-Meeliishaadka kala duwan ee wada jirka u riday dawladii Mucamar Al Qadaafi ayaa weli tuban magaalooyinka waaweyn ee dalka Libiya iyada oo deganaasho baaxad lihina aaney dalka weli sal dhigan.
Sidaa waxa Qurbejoog.com ugu soo waramay Somali kala duwan oo magaalooyin kala duwan oo dalkaas ku yaal ku xaniban.

Soomaalidan oo u badan ardey ku dhaw in ay ka qalin jebiyaan culiintii ay halkaa ka baranayeen in dhalin halakaa tahriib ku tagtay yaa waxa ay noo sheegeen in ay dhuumaaleysi halkaa ku joogaan.

Qulqulatadii u danbeysay ayaa dhacaday ka dib kolkii Meliishaadka Misarata iyo kuwa Tripoli ay shalay ku dagaalameen bartamaha caasimada waxaana ku dhintay ilaa afar ka mid ah meliishaadkii dagaalamay.

Goobjoogeyaaashu waxa ay noo sheegeen in dagaalku dhacay ka dib kolkii meliishaadka Misarata isku dayeen in la baxaan maxaabiis.

Cabdulxakiim Belhaj oo ah madaxa ciidamada Tripoli ayaa saxaafaauga waramay sida ay wax u dheceen waxaanu sheegay in iminka la xaliyay mushkiladii gacan kahadalku ka bilowday.

Dawlada Libiya ayaa dhib weyn kala kulantay hub ka dhigid lagu sameeyo meliishaadka dalkaas buuxdhaafiyay si degenaasho buuxda loo soo celiyo.

Qurbejoog-Tripoli
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed