Mareykanka oo ku gacan seydhay digniin Iran uga timi
Washington Jan 04,2012(qurbejoog.com)-Dawlada Mareykanka ayaa naf lacaarinomo ku tilamaantay hadal hanjabaad ahaa oo ka soo yeedhay dalka Iran oo ku wejahnaa cidamada Mareykanka ee ku wejahan marin biyoodka Hormuz.
Iran ayaa madaxeeda ciidamada Gen. Ataollah Salehi waxa uu shalay soo jeediyay in aan ciidamada Mareykanka laga dooneyn Gacanka Carbeed.
Hadalka Genanka ayaa ku soo beegmaya xili sadex maalmood uun ka hor uu madaxweynaha Mareykanku sexeexay sharci lagu xanibayo heyadaha Maaliyadeed ee dalka Iran.
Mareykanka ayaa hadalka Iran ee ku wejahan xanibaada Hormuz iyo dhoola tuska ciidanba ku tilmaamay natiijo ka dhalatay cunaqabateynta Mareykanka.
“waa cagajugleyntii u danbeysay ee ka soo yeedha Iran,waana tusaale muujinaya in cunaqabateynta la saaray ay shaqeyneyso” sidaa waxa saxaafada u sheegay afhayeenka aqalka cad ee Mareykanka Jay Carney.
Iran ayaa culeys weyni ka soo wejahayaa barnaamijkeeda Nuclearka oo dunida reer Galbeedku walaac faro badan ka muujiyeen,Iranse ay ku adkeysaneyso in ay tamar uun ka dhalineyso Nuclearka.
Qurbejoog-Washington
contact@somalidiasporanews.com