|

Xisbiga UDUB oo ku kala qeybsamay Doorashada Jamaal Cali Xuseen

Hargeysa Jan 03,2011(qurbejoog.com)-Xisbiga mucaaridka ah ee UDUB ayaa laba garab ugu kala qeybsamay doorashada Jamaal Xuseen Xuseen oo uu ku simaha guddoomiyaha Xisbigaasi sheegay in loo doortay musharaxa xisbigaas ee madaxtinimada dalka.

Garab u badan qawaamiirtii xisbiga UDUB ee ka mid ahaa gollihii wasiirada ee xukuumadii madaxweyne Daahir Rayaale ayaa ka soo horjeestay doorashada Jamaal Cali Xuseen.

KU-xigeenka madaxa xisbiga UDUB Md Axmed Yusuf Yasin ayaa sheegay in Jamaal loo doortay sababo ay ka mid yihiin in xisbigu u baahan yahay hogaan cusub oo da’ayar u badan oo la wareega.

Halka Aqoonyahan Jamaal cali xuseen uu dhankiisa sheegay in uu qorsheynayo in xisbiga iyo dhalinta reer Somaliland isku xiro si talada mar kale u qabto.

Wasiiradii hore ee xukuumadii UDUB ayaa dhankooda sheegay in si aan waafi aheyn ay doorashadaasi u dhacaday oo guddomiye Daahir Rayaale dalka iman doono si xaalada loo saxo.

 

Qurbejoog-Hargeyso

contact@Somalidiasporanews.com

Comments are closed