Madaxwenaha Faransiiska oo ugu baaqay Bashar Al Azad in uu xilka ka dego,iyo Jamacada Carabta oo dalbatay xabad joojin
Paris Jan 03,2012(qurbejoog.com)-Madaxweynha dalka Faransiiska ayaa u soo jeediyay madaxweynaha dalka Syria in uu xilka ka dego xili ay Kormeereyaasha nabada ee Jaamacada Carabtu dawlada Syria u soo jediyeen in ay joojiso toogashada shacabka gadoodsan.
Nicolas Sarkozy ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Syria Bashar Al Azad in uu qaatay goaan uu ku leynayo shacabka ka soo horjeeda sidaana uu ku waayay masuuliyadii hogaaneed ee uu xooga ku heystay.
Kormeereyaasha Carabta ee dalka Syria ku sugan ayaa ilaa iminka ku guul dareystay in ay xabad joojin ka dhaadhiciyaan xukuumada Syria.
Hadal ay kormeereyaashu soo saareen maanta ayay ciidamada Syria uga dalbadeen in ay joojiyaan dilka ay u geysanayaan dadka gadoodsan.
Ma cada halka xaalka Syria ku danbeyn doono bacdamaa ilaa iminka loo caal waayay dejinta xaalada kacsan ee Syria.
Qurbejoog-Paris
contact@somalidiasporanews.com