|

Dagaal dhimsho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho Jan 03,2012(qurbejoog.com)- Dagaalka ayaa waxaa uu ka bilowday kadib markii Ciidamo ka tirsan Al Shabaab oo weerar kusoo qaaday fariisimooyinka ay Ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Dagaalka ayaa la sheegay inay ku dhinteen 2-qof halka 4-kale ay ku dhawacmeen kuwaasi oo la tilmamaay inay ahayaan dhinacyadii dagalamaay sida ay Website-ka Somalidiasporanews.com u sheegeen dadka deegaanka ah.

Xaaladda ayaa daqiiqado badan waxa ay noqotay mid cabsi leh kadib markii dhinacyadaasi ay isku adeegsadeen  hub iyo rasaas, waxanaa la sheegay in dhawaqa rasaastaas ay cabsi ballaaran ku abuurtay dadka ku sugan degamdaaasi.

“Hal mar ayaan maqalnay dhawaqa rasaas iyo madaafiic ay isku adeegsanayaan, Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo taageero ka helaya AMISOM iyo Al Shabaab, cabsi ayaa nasoo wajahday, laakin daqiiqado kadib dagaalka wuu istaagay” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah dadka deegaanka ah.

Al Shabaab ayaa dagaalo ku dhufo oo ka dhaqaaq ah waxa ay ku qaadaan Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM. Iyadoo inta badan dagaaladasi uu qasaaro kasoo gaaro dhinacyadaasi.

 

Qurbejoog-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed