Jabhada OLF oo Qurbaha nabad uga dhawaaqay
Minneapolis Jan 03,2012 (qurbejoog.com)-Jabhada Qomiyada Oromada ee dagaalka gooni u goosadka ah kula jirtay dawlada Itoobiya ayaa war ay soo saareen ku sheegay in ay nabad ku qaateen.
Shir ay dhawwn ku yeesheen dalka Mareykanka ayaa waxa ay ka soo saareen goaan ay uga noqdeen hadafkoodii gooni isu taaga ee ay mudada dheer u dagaalamayeen.
“waxa dhamaatay xiligii cidna lagu khasbi lahaa in ay ka mid noqoto dal weynaha Itoobiya,waxa la jooga xiligii qowmiyad waliba ay iskeed uga mid ahaan leheyd Itoobiya”ayaa lagu yidhi qoraalka shirka ka soo baxay.
Jabhada OLF ee Oroomada ayaa shaacisay in goaankani ku saleysan yahay waaqiciga jira iyo rabitaanka shacabkooda.
Dawlada Itoobiya iyo garabka hubeysan ee OLF ayaan wax war ah weli ka soo saarin goaankan taariikhiga ah ee ka soo baxay shirkan Minneapolis lagu qabtay december 30-31kii 2011.
Qurbejoog-Minneapolis