|

Maamulka Puntland Oo Soo Bandhigay Dukumentiyo Sir Ah Oo Laga helay Saldhigyada Daacish

Bosaaso (QJ) – Dowladda Puntland ayaa markii ugu horeysay faah faahin ka bixisay dukumiintiyo sir ah oo laga soo furtay saldhigyo laga qabsaday kooxaha argagixisada ah ee Daacish.

Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Sarreeye Gaas Muumin Cabdi Shire iyo Taliyaha Hawlgelinta Ciidanka Badda Puntland, Sarreeye Gaas Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac, ayaa waxa ay kaga hadleen xogta ku jirtay dukumentiyada sirta ah ee lagala wareegay Saldhigyada ay Daacish maamusho.

Sarreeye Gaas Muumin Cabdi Shire ayaa faah faahin ka bixiyay waxa ku qoran warqadahaasi, isagoo soo bandhigay dhammaan lacagaha ay ururiyeen Daacish, shirkadihii lacagaha u soo xawilay iyo xisaabaadka lagu shubay lacagahan laga qaatay.

“Waxaan helnay dukumeenti cadeynaya liiska dhammaan lacagaha la uruuriyay, shirkadaha lacagaha xawila, iyo xisaabaadka lagu shubay lacagaha baadda ah,” ayuu yiri General Muumin Cabdi Shire, mar uu sharaxayay agabka sirta ah ee laga helay xarumaha Daacish.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu sheegay in dukumentiyadaasi ay muujinayaan cadeymo muujinaya in Daacish ay lacago been abuur ah iyo kheyraad ka qodan Buuraha Cal Miskaad. Intaa waxaa dheer, waxay diiwaangeliyeen tacaddiyada ka dhanka ah haweenka iyo ugaarsiga sharci darrada ah ee duurjoogta.

Sarreeye Gaas Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac, Taliyaha Howlgalinta PMPF ayaa intaas ku daray in dukumentiyada ay ka mid yihiin baasabooro iyo kaarar bangi oo ay leeyihiin ajaaniib Carbeed oo ku lug leh kacdoonka. Waxa uu sidoo kale xusay in Maabkii lagu soo qabtay degmooyinka Soomaaliya iyo masaafada u dhaxeysa ay ka mid yihiin.

Leave a Reply