Markab laga leeyahay Shiinaha oo la sii daayay
Bosaaso (QJ) – Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah ku dhawaaqday in markab kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Shiinaha oo bishii November lagu af-duubtay xeebaha Soomaaliya la sii daayay iyo 18-shaqaale ah oo la socday.
War qoraal ah oo ay safaaraddu soo dhigtay baraha bulshada ee X ayay ku sheegtay in shaqaalihii markabka la badbaadiyay ka dib “dadaal aan kala joogsi lahayn oo ay samaysay dowladda Shiinaha.”
“Dowladda Shiinaha waxay si adag u cambaareyneysaa falkan foosha xun, kaasoo khatar geliyay ammaanka shaqaalaha iyo ammaanka badda caalamiga ah, waxay sii wadi doontaa inay si adag u ilaaliso xuquuqda sharciga ah ee muwaadiniinta Shiinaha iyo shirkadaha dibadda,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Markabka iyo shaqaalihii la socday ayaa la afduubay dabayaaqadii bishii November, waxaana la geeyay degmada Xaafuun ee Puntland, oo ka tirsan gobolka xeebta ee Waqooyi Bari Soomaaliya.
Burcadbadeeda ayaa markii hore dalbaday lacag madaxfurasho ah oo dhan 10 milyan oo dollar. Si kastaba ha ahaatee, ma cadda in madaxfurasho la bixiyay siidaynta.
Safaaradda ayaa xustay in dowladda Shiinaha ay si dhow ula shaqeyso dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland dadaallada lagu doonayo in lagu helo xorriyadda shaqaalaha markabka.
Afduubkan ayaa muujinaya caqabadaha amni ee ka jira badda Soomaaliya. Budhcad badeeda ayaa Soomaaliya ku habsatay muddo sanado ah, iyadoo sanadkii 2011 kii ugu sarraysay ay Qaramada Midoobay diiwaan gelisay in ka badan 160 weerar oo ka dhacay xeebaha Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee, dhacdooyinkan oo kale ayaa si weyn hoos ugu dhacay tan iyo markaas, taasoo ay ugu wacan tahay joogitaanka ciidamada badda ee Maraykanka iyo xulafada ee ku sugan biyaha caalamiga ah.