Ciidamada Puntland oo laayay ciidamo ajaanib degaanka Calmiskaad
Boosaaso (QJ) – Dagaal qaraar ayaa ka socda deegaanka buuraleyda ah ee Cal-Miskaad ee gobolka Bari, halkaasi oo ay isku horfadhiyaan ciidamada Puntland iyo kooxda Daacish.
Ciidamada Puntland oo maalmihii lasoo dhaafay waday howlgalo qorsheysan oo ka dhan ah Daacish ayaa la wareegay deegaano dhowr ah oo ay horay ugu sugnaayeen.
Wararka laga helayo dagaalkii maanta ayaa sheegaya in ciidamada Puntland ay dileen xubno badan oo ka tirsan Daacish oo ay ku jiraan dagaalyahano ajaaniib ah. Sawiro iyo muuqaalo la soo dhigay bogga Telegram ee howlgalka ciidamada Puntland ayaa muujinaya meydadka dagaalyahanada Daacish.
Sidoo kale, ciidamada Puntland ayaa ku andacoonaya inay qabsadeen ugu yaraan afar saldhig oo muhiim ah oo ay horay u isticmaali jireen Daacish.
Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray ciidamada Puntland, inkastoo aan weli la shaacin tirada rasmiga ah.
Howlgalkan ayaa lagu soo waramayaa inuu yahay kii ugu xooganaa ee lagu qaado Daacishta Soomaaliya, iyadoo ciidamada Puntland ay ku sii siqayaan boqollaal KM dhulka ay maamulaan kooxdan hubeysan.