Xildhibaano canbaareeyay dhulboob ay dawladu ka wado Muqdisho
Muqdisho (QJ) – Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa soo saaray war saxaafadeed ay kaga soo horjeedaan wax ay ku tilmaameen dhaca dhulalka danta guud ee magaalada Muqdisho.
97-ka xildhibaan ayaa uga digay ganacsatada Soomaaliyeed inay iibsadaan dhulalka danta guud, iyagoo ku eedeeyay madaxda dowladda inay si sharci darro ah ku qaataan.
“Hadii aan nahay Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya anagoo gudanaya waajibaadkeena dastuuriga ah, waxaan cadeyneynaa mowqifkeena ka dhanka ah dhaca hantida shacabka, waxaana uga digaynaa kuwa fududeynaya in Villa Soomaaliya ay si sharci darro ah ku qaadato dhulalka danta guud” ayaa lagu yiri qoraalka.
Waa bayaankii labaad oo ay soo saaraan xildhibaanadan, iyagoo mar kale ku celinaya sida ay uga soo horjeedaan hantida dadweynaha ee sida sharci darada ah loo haysto.
Sidoo kale, Xildhibaanadan ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo aqoon sare u leh dhanka waxbarashada inuu iibiyay dhul badan oo horey loogu qoondeeyay arrimo waxbarasho.
“Madaxweynuhu inkasta oo uu waxbarsho leeyahay, waxa uu iibiyey dhulal hore u ahaan jiray goobo waxbarasho oo ay wax ku bartaan arday Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed, Dugsiga Ilays iyo kuwo kale oo badan, isagoo aan tixgalin u hayn mustaqbalka dhallinyarada Soomaaliyeed,” ayaa lagu daray war-saxaafadeedka. .