Qaar ka mid ah Wasiirada cusub ee Somaliland oo la dhaariyay
Hargeysa (QJ)- 28 wasiir ayaa waxa si rasmi ah u dhaariyay madaxweynaha cusub ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro.
Dhaarinta xilka oo uu si sharci ah u mariyey guddoomiyaha maxkamadda sare Aadan Xaaji Cali, ayaa gebo-gebadii waxa uu madaxweyne Cirro kula dar-daarmay wasiirrada in ay dedaal badan muujiyaan, isla markaana ay fuliyaan ballan-qaadyada xukuumadda.
“Shacabku waxa ay filayaan adeeg kasta oo aanu ku balan qaadnay, hadday tahay waxbarashada, biyaha, caafimaadka, waddooyinka, iyo haddii ay tahay cadaaladba, adeegyadani waa kuwo u xil saaran xafiisyadiina, dadweynuhuna way na eegayaan, way na qiimaynayaan, oo nala xisaabtamayaan,” ayuu yidhi Madaxweynuhu. Cirro.
Madaxweynaha oo sii hadlayay ayaa Wasiirada u sheegay in isbedelkii lagu balamay xilligii ololaha doorashada uu ahaado mid muuqda, isla markaana ay natiijo wax ku ool ah ka keenaan. Wuxuu ku nuux-nuux saday in shacabka ay ku qiimeyn doonaan fulinta balamihii ay qaadeen, taasi oo saameyn ku yeelan doonta doorashada soo socota.
Maamulka cusub ayaa xilka haya muddo bil ku dhow, waxaana shacabka ay ka dhursugayaan wax qabad la taaban karo oo 100-ka maalmood ee ugu horreeya ka soo bixi doona, kuwaasi oo qaarkood lagu balamay ololihii doorashada, halka kuwo kalena ay wali qorshaynayaan.
Madaxweyne Cirro waxa uu u ololeeyey horumarinta caddaaladda iyo ilaalinta xuquuqal insaanka, horumarinta adeegyada aasaasiga ah, kaabayaasha dhaqaalaha iyo xidhiidhka dibadda ee Somaliland.