Ciidamada Badda Jabuuti oo soo badbaadiyay Kalumeysato reer Berbera ah
Jabuuti (QJ) – Kalluumaysato muddo bil ku dhow lagu la’aa xeebaha Somaliland ayaa laga helay biyaha dalka Jabuuti iyagoo badqaba.
Ciidamada Ilaalada Xeebaha Jabuuti, ayaa iyaga oo gudanaya waajibaadkooda roondada ee caadiga ah, waxa ay soo badbaadiyeen saddex kalluumaysato ah oo bil ka hor ka shiraacday Berbera.
Kalluumeysatada ayaa sheegay in doonidii ay wateen uu cilad ku timid, taasoo keentay in muddo 19 maalmood ah ay badda ku dhex mushaaxayaan.
Saraakiisha Ciidamada Ilaalada Xeebaha Jabuuti ayaa sheegay in hadda ay ka caawinayaan kalluumeysatada sidii ay dib ugu laaban lahaayeen deegaannadii ay ka yimaadeen ee Somaliland.
Saddexda nin ayaa la xaqiijiyey in xaaladooda caafimaad ay wanaagsan tahay, waxaana ay si weyn uga mahadceliyeen soo dhoweynta iyo taageerada ay ka heleen madaxda dalka Jabuuti oo isu diyaarinayay inay dalka dib ugu soo laabtaan.