Al Shabaab oo weeraray xerada ciidan ee Xawaadle
Muqdisho (QJ) – Xoogag ka tirsan Al-Shabaab ayaa aroornimadii hore ee saakay weerar culus ku qaaday fariisin ciidamada dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa labada dhinac dhexmaray, iyadoo Al-shabaab ay sheegtay in 21-askari oo ay ku jiraan saraakiil ciidan ay ku dileen weerarka.
Ma jiraan warar madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab, waxaana hawada laga saaray isgaarsiinta deegaanka oo la rumeysan yahay in Al-Shabaab ay si bareer ah u jareen weerarka ka hor.
Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegtay in ay gacanta ku dhigeen askar ayna ka qabsadeen saanad ciidan iyo hub. Dhanka kale ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay ciidamada dowladda oo ku aadan dagaalkaasi.
Ilaa hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan. Ku dhawaad labo sano ka hor ayay aheyd markii weerar kan la mid ah uu ka dhacay deegaanka Xawaadley oo hoostaga degmada Balcad, waxaana weerarkaas lagu dilay Taliyihii qeybta 3-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Abshir Maxamuud Maxamed (Shataqey) oo ay wehliyaan Ciidamo kale. .