Khaatumo oo Somaliland ku eedeysay Tacadiyo in ay ka geysatay Ceerigaabo
Maamulka SSC-Khaatumo ayaa Somaliland ku eedeeyay inay magaalada Ceerigaabo ka geysatay tacadiyo ay ka mid yihiin barakicinta 50,000 oo qoys oo ka qaxay colaadaha soo cusboonaaday.
War-saxaafadeed ka soo baxay SSC Khaatumo ayaa lagu cambaareeyey falkii ay Somaliland kula kacday qayb ka mid ah shacabka magaalada, sida ay sheegtay SSC Khaatumo.
“Maamulka SSC Khaatumo waxa uu si adag u cambaaraynayaa falalka gardarada ah ee lagu hayo dadka degan Ceerigaabo iyo deegaanada ku xeeran” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka. “Falalkani waxay ka dhigan yihiin xadgudubyo ba’an oo xuquuqda aadanaha.”
SSC Khaatumo waxa kale oo ay Somaliland ku eedaysay in saddexdii toddobaad ee la soo dhaafay ay magaalada ka barakiciyeen dad lagu qiyaasay 50,000 oo qoys, isla markaana ay bililiqeysteen hanti kala duwan oo ay ka tageen dadka deegaanka, taas oo keentay in xaalad bini’aadantinimo ay ka sii xumaato.
“Tacadiyadaas waxaa ka mid ahaa dilka saddex carruur ah iyo hooyadood, iyo afduubka laba wiil oo 16 iyo 18 jir ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada Somaliland ay mas’uul ka ahaayeen dagaalladii ka dhacay Koonfurta Sanaag 15-kii iyo 17-kii bishan December, balse ciidamada SSC Khaatumo ayaa si geesinimo leh isaga difaacay weerarkaas.
Ugu dambeyn, SSC Khaatumo ayaa ugu baaqday dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka inay wax ka qabtaan xadgudubyada ay sheegtay Somaliland inay ku hayso shacabka ku nool Ceerigaabo iyo deegaannada hoos yimaada.