|

Ciidamada Somaliland oo lagu amaanay xasilinta Ceerigaabo

Hargeysa (QJ) – War-saxaafadeed ka soo baxay Dawlada cusub ee Somaliland ayaa looga hadlay dagaal maalmihii la soo dhaafay ciidamada Somaliland iyo kuwa maamulka SSC Khaatumo ku dhexmaray magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sool.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha Somaliland, ayaa lagu bogaadiyay Ciidanka Qaranka Somaliland oo ay ku bogaadisay in ay khasaare badan gaadhsiiyeen Ciidamadii ka soo horjeeday dagaalkii shalay ka dhacay Ceerigaabo.

“Wasaaraddu waxay aad iyo aad u bogaadinaysaa ciidamada Somaliland ee mar walba heeganka u ah difaaca qaranimada iyo sugidda amniga guud ee dalka, ciidanka qaranku waa geesiyaal naftood hurayaal ah oo shalay guul weyn ka soo hooyey, cadawgana u muujiyey in cid kasta oo isku dayda inay dhibaatayso. Somaliland waxay wajihi doontaa jawaab ay ka shallayn doonaan,” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha.

Maamulka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in aysan marnaba ka tanaasuli doonin wax walba oo wax u dhimaya jiritaanka, midnimada bulshada, iyo guud ahaan amniga deegaanada Somaliland, isagoo digniin u diray dadka qorsheynaya weeraro ka dhan ah.

Dagaalka Ceerigaabo ayaa labada dhinacba guulo ka kala sheegteen, waxaana dagaaladii maalmihii u dambeeyay ka dhacayay ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo soo kala gaadhay ciidamadii dagaalamay iyo dad rayid ah.

Leave a Reply