|

Guddida Doorashada Jubaland oo loogudbiyay musharaxiin u tartamay Baarlamaanka

Kismaayo November 19, 2024(QJ) – Guddiga doorashada Jubaland oo uu dhawaan magacaabay madaxweyne Axmed Madoobe ayaa maanta si rasmi ah u wareejiyay galka xubnaha cusub ee golaha wakiilada Jubaland. Xubnahan ayaa beelaha dega Jubaland u matali doona Aqalka Saddexaad ee Baarlamaanka.

Odayaasha dhaqanka ee beelaha Jubaland ayaa si rasmi ah galka xubnaha cusub ugu wareejiyay guddiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubaland. Xafladda xil wareejinta ayaa si gaar ah loogu qabtay magaalada Kismaayo, iyadoo ay ka soo qeyb galeen isimo kala duwan.

Dr Mursal Siyaad Maxamed Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland ayaa si rasmi ah uga guddoomay galka xubnaha cusub ee Golaha Shacabka. Shirkan ayaa intii uu socday waxa ay madax dhaqameedku mid mid ugu wareejiyeen faylalka wakiillada, taasoo ka turjumaysa beesha uu xubin kastaa ku meteli doono golaha cusub ee wakiilada.

Odayaasha dhaqanka ee maanta soo gudbiyay galka ayaa warbaahinta u sheegay in ay si buuxda u guteen doorkoodii koowaad ee dhismaha golaha wakiilada Jubaland, ayna diyaar u yihiin ka qeyb galka dhameystirka doorashada.

Dhawaan ayaa la filayaa in ay dhacdo doorashada xubnaha aqalka hoose ee Jubaland, iyadoo uu socdo diyaar garowgii ugu dambeeyay. Guddiga doorashada Jubaland ayaa ku howlan qorsheynta iyo hirgelinta doorashada si ay u dhacdo si nabad ah oo cadaalad ah. Talaabadan ayaa sii xumaynaysa colaada ka taagan Muqdisho iyo Kismaayo.

Leave a Reply