|

Madaxda Dawlada Soomalaiya oo Tacsi u diray ehelada Marxuum Axmed Siilaanyo

Muqdisho November 16, 2024(QJ) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa tacsi u diray qoyskii iyo shacabka Soomaaliyeed geeridii ku timid Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Waxaanay ku dheeraadeen waxqabadkii muuqda ee uu ka geystay shaqada qaranka iyo horumarka, gaar ahaan doorkii uu ka soo qabtay wasaaradaha qorshaynta iyo ganacsiga iyo dedaalka uu u galay fududaynta wada hadalada Somaliland iyo Somaliya.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sidoo kale ku dhawaaqay baroor diiq laba maalmood ah. Siilaanyo waxa uu ku geeriyooday Hargeysa 86 jir.

Leave a Reply