Turkiga iyo Masar oo ku heshiiyay caawinta Soomaaliya
Qahira November 14, 2024(QJ)-Turkiga iyo Masar ayaa yeeshay wadahadal ah oo diiradda lagu saarayay Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas. Wada-hadallada oo ay garwadeen ka ahaayeen mas’uuliyiin sarsare oo ka kala socday labada dal ayaa waxaa ka soo baxay heshiisyo ku saabsan ilaalinta amniga iyo xasilloonida Geeska Afrika, si loo fududeeyo dib u soo celinta dhaqdhaqaaqyada badda cas.
Labada dal waxay ballan-qaadeen inay sare u qaadi doonaan iskaashiga ka dhexeeya gobolka, ayna ka taageerayaan dadaallada Soomaaliya ee la-dagaalanka argagixisada iyo dhismaha ciidamada.
Turkiga iyo Masar ayaa labaduba ka go’an inay caawiyaan Soomaaliya, iyadoo Turkiga uu saxiixay heshiiska difaaca Soomaaliya, Masarna ay ogolaatay inay ciidamo u dirto Soomaaliya si ay qayb uga noqdaan dadaallada nabad ilaalinta ee Afrika.
Talaabadan Masar ay qaaday ayaa loo arkaa inay jawaab u tahay faragelinta Itoobiya ay ku hayso arrimaha Soomaaliya.