Qatar oo hakisay doorkii dhexdhexaadinta Colaada Gaza
Doha November 10, 2024(QJ) Qatar ayaa ku dhawaaqday inay joojisay doorkii dhexdhexaadineed ee ay ku lahayd xabad joojinta Gaza ee u dhaxaysay Israa’iil iyo Xamaas, iyadoo sabab uga dhigaysa in aanay diyaar u ahayn dhinacyadu inay heshiis gaadhaan.
Qatar ayaa sidoo kale go’aansatay inay xirto xafiiska siyaasadda Xamaas ee caasimadeeda, kadib codsi uga yimid Mareykanka, inkastoo Qatar ay ku andacooneyso in go’aankaasi uu ahaa mid madax banaan.
Tani waxay keeni kartaa in masuuliyiinta Xamaas ay ka baxaan dalka Qatar, iyadoo aan la cayimin waqti kama dambays ah. Saraakiisha Mareykanka ayaa horay uga codsaday Qatar in ay adeegsato hanjabaada ah in dalka laga saarayo hadii aaney nabad qaadan Xamaas.
Xafiiska ayaa laga yaabaa inuu dib u furmo marka labada dhinacba ay muujiyaan rabitaan dhab ah oo ku saabsan in laga wada xaajoodo joojinta colaadda.