|

Mareykanka oo $1.14 billion ka cafiyay Soomaaliya

Muqdisho November 05, 2024(QJ)-Magaalada Muqdisho waxa maanta ku kala saxiixday Heshiis deyn cafin ah Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Iimaan Cige iyo Safiirka Mareykanka Richard X. Riley. Heshiiska ayaa Mareykanku Soomaaliya kaga cafiyay in ka badan Hal Bilyan oo Doollarka Mareykanka ah

Heshiiskani waa qayb ka mid ah dadaallada deyn cafinta oo ballaaran oo ay ku jiraan cafiskii Naadiga Paris, Ruushka, iyo dalal kale bishii Maarso.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa in muddo ah waday dadaallo lagu cafinayo deymaha lagu leeyahay.

Saxiixa ka dib, labada mas’uul ayaa ka hadlay muhiimada taariikhiga ah ee heshiiska iyo fursadda muhiimka ah ee uu Soomaaliya u leeyahay.

Wasiir Biixi Iimaan Cige ayaa uga mahadceliyay dowladda Mareykanka iyo shacabka Mareykanka taageerada ay ka geystaan ​​horumarinta dhaqaalaha iyo dib u habeynta maaliyadda Soomaaliya.

Leave a Reply