|

Axmed Madoobe oo wadatashi ugu yeeray Xildhibaanada Dawlada dhexe ee Jubaland

Kismaayo November 04, 2024(QJ)-Madaxweynaha Maamulka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa kulan gaar ah isugu yeeray Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Jubbaland.

Shirkan oo uu madaxweynuhu ku tilmaamay wada tashi muhiim ah ayaa lagu wadaa in uu ka dhaco magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubaland.

Kulanka ayaa la filayaa in uu ka duwanaado kalfadhiyadii caadiga ahaa, isagoo noqon doona madal looga hadlayo jihooyinka kala duwan ee siyaasadda Jubaland. Waxaa xusid mudan in Axmed Madoobe uu ku casuumay Xildhibaanada inay ka soo qeybgalaan kulanka 8-da bishan.

Wararka ayaa sheegaya in kulanka looga hadlayo khilaafka sii xoogeysanaya ee u dhaxeeya maamulka Jubbaland iyo Axmed Madoobe.

Khilaafkan ayaa u muuqda mid salka ku haya khilaaf siyaasadeed iyo xiriirka Jubaland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale, waxaa dhawaanahan is-casilay qaar ka mid ah xubnaha Jubbaland ee ka tirsan dowladda, taasoo saameyn weyn ku yeelatay xasiloonida siyaasadeed ee maamulka Jubbaland iyo dowladda dhexe.

Kulankan ayaa kusoo beegmaya iyadoo ay weli taagan tahay xiisado siyaasadeed, iyadoo loo arkayay fursad uu Axmed Madoobe ku xoojinayo taageerada siyaasadeed iyo sidii loo heli lahaa heshiis lagu xallinayo arrimaha taagan.

Leave a Reply