Wasiir Beyle oo ku buuray xisbiga Waddani
Hargeysa October 20, 2024(QJ)-Wasiirkii hore ee maaliyadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu ku biiray xisbiga Waddani ee Somaliland, ee uu musharaxa madaxweyne ka yahay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro). Warkan laga sheegay magaalada Hargeysa ayaa muujinaya in Beyle oo ka soo jeeda gobolka Awdal uu ku biiray mas’uuliyiin ka tirsanaa dowladda federaalka oo dib ugu laabtay Somaliland.
Dr. Beyle oo horay uga tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sidoo kale caan ku ah wax qabadkiisa fanka, isagoo sameeyay heeso badan oo uu ku muujinayo midnimada Soomaaliyeed. Si kastaba ha ahaatee, go’aanka uu ugu biiray Waddani oo ah xisbiga u ololeeya in Somaliland ay ka go’do Soomaaliya, ayaa muujinaysa isbedel siyaasadeed oo muuqda.
Ku biirida Beyle ee Waddani ayaa soo jiidatay dareen badan, marka loo eego doorkiisii hore ee mas’uul ka tirsan federaalka Soomaaliya. Tilaabadani waxa ay qayb ka tahay isbedelada siyaasadeed ee ka socda Somaliland, gaar ahaana xiliga doorashooyinka fooda inagu soo haya.