|

Sarkaal Janabi ah oo ka tirsanaa Daacish oo Puntland lagu qabtay

Bossaso October 20, 2024(QJ)-Ciidamada Amniga Puntland ee PSF ayaa ka warbixiyey howlgal ay ku qabteen sarkaal Ajnabi ah oo xiriir la leh maleeshiyada Daacish ee ku sugan gobolka Bari.

Muuqaal kooban oo ay soo bandhigtay ciidamada PSF-ta, ayaa Cabdalla Mustafa Abuu-deyr, oo magaciisa lagu sheegay Saalim, wuxuu ku xaqiijiyay inuu ka tirsan yahay Daacish. Abuu-deyr wuxuu sheegay inuu ka yimid Sakhnin oo ku taal Israa’iil, halkaas oo uu injineernimada ka bartay jaamacad ku taal dalkaas.

“Magacaygu waa Cabdalla Mustafa Abuu-deyr, magacaygana waa Saalim, waxaan injineernimada ka bartay jaamacad ku taal Sakhnin ee Israa’iil,” ayuu yiri Abuu-deyr.

“Waxaan soo gaaray Buuraha ay Daacish ku sugan tahay, waxaana halkaasi igu sugaayay 5 xubnood oo ka tirsan Daacish, waxay i geeyeen Istiqbaal, halkaasi oo aan tababar ku qaatay” ayuu sii raaciyay.
Qabashada ninkan ajanaiga aha ayaa imanaysa xili ay isa soo tarayeen mudooyinkii u danbeeya xogo xibaaxaya in ay sii kordhayaan dagaalyahanada Daacish ee ku sugan buuraleyda Puntland.

Comments are closed