|

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Ugaandha oo heshiis amni gaaray

Kampala October 19, 2024(QJ) -Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tegay dalka Uganda, isagoo kulan miro dhal ah la qaatay dhiggiisa dalkaas Mudane Yoweri Museveni.

Labada Madaxweyne ayaa intii ay ku guda jireen wada hadalkooda diiradda ku saaray horumarinta xiriirka ka dhaxeeya dalalkooda, wax ka qabashada arrimaha Geeska Afrika iyo xoojinta iskaashiga taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Uganda. Qodobada ugu muhiimsan ee shirka kasoo baxay waxaa kamid ahaa.

Xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, ganacsiga, iyo horumarka. Waxaa lagu heshiiyey in la kordhiyo iskaashiga ganacsiga iyo maalgashiga. Taageeridda Ciidamada Amniga Soomaaliya iyo howlgalka cusub ee AUSSOM.
Soo dhawaynta xubinnimada cusub ee Soomaaliya ee ururka Bariga Afrika (EAC) iyo matalaadda ay ku leedahay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sannadaha 2025-2026.

Taageerida Uganda ee ah qaadista cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, taasoo ah tallaabo muhiim ah oo u ogolaaneysa Soomaaliya inay si buuxda u qaadato mas’uuliyadda amniga qaranka.

Leave a Reply