|

Wasiirka Gaashindhiga oo booqday jiida hore

Muqdisho October 17, 2024(QJ) -Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa maanta booqasho ku tagay deegaanka Geerille oo hoostaga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud. Shalay ayaa ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Al-shabaab waxa uu dhexmaray dagaal xooggan.

Dagaalka ka dhacay deegaanka Geerille ayaa lagu soo waramayaa in Al-Shabaab uu dhabar jab xoogan ku noqday, iyadoo saraakiisha ciidamada ay sheegeen in jab xoogan uu soo gaaray. Wasiirka Gaashaandhigga ayaa waxaa Gerille ku soo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle, Abaanduulaha qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga dalka iyo saraakiil kale oo horkacaya howlgallada ka socda Bariga Gobolka Galgaduud.

Taliyeyaasha ayaa Wasiirka Gaashaandhigga warbixin ka siiyay howlgallada ka socda bariga Galgaduud, iyagoo sheegay in Al-Shabaab si weyn loogu jabiyay dagaalkii shalay iyo dagaallo kale oo ay la galeen ciidanka xoogga dalka.

Booqashada Wasiirka Gaashaandhigga uu ku tagay ciidamada jiidda hore ayaa la xiriirtay sidii loo dar dar gelin lahaa niyadda askarta geesiyaasha ah, isagoo ku ammaanay sida ay ugu taagan yihiin difaaca shacabka iyo qaranka Soomaaliyeed.

Comments are closed