|

Heer kulka Geeska oo Cirka isku shareeri doona

Addis Ababa October 17, 2024(QJ) -Heerarka kulaylka sii kordhaya ayaa laga digayaa in uu kuleyl daran ka keeno dalal badan oo Geeska Afrika ku yaalla, sida ay sheegtay Xarunta Saadaasha Cimilada (ICPAC) ee urur goboleedka IGAD.

Warbixinteedii ugu dambeysay ee saadaasha cimilada, ICPAC waxay tilmaantay in ugu yaraan lix waddan ay wajihi doonaan kulayl aad u daran. Dalalkaas waxaa ka mid ah Soomaaliya, Suudaan, Koonfurta Suudaan, qaybo ka mid ah Ereteriya, Itoobiya, iyo waqooyi-galbeed iyo bariga Kenya.

Meelaha la saadaaliyay in uu kuleyl daran ka dhici doono waxaa ka mid ah bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya. Heerkulka wadamada qaar ayaa la filayaa inuu kor u kaco ilaa 38 darajo, isagoo ka kulul sidii hore loo saadaaliyay.

Geeska Afrika ayaa waxaa soo food saartay xaalado cimilo oo aad u daran, abaaro iyo roobab mahiigaan ah oo ay sabab u tahay is bedelka cimilada. Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cunnada iyo Beeraha ee FAO iyo IGAD ayaa sheegay in isbeddelka cimilada uu sababay cunto yari, iyadoo ku dhawaad ​​67 milyan oo qof oo ku nool Geeska Afrika ay halis ugu jiraan macaluul.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ayaa tilmaamay in ku dhawaad ​​49 bilyan oo dollar loo baahan yahay si loo caawiyo dadka ay saameeyeen isbedalka cimilada adduunka oo dhan.

Soomaaliya oo laga yaabo inay ka mid tahay dalalka ugu saboolsan adduunka ee ay halakeeyeen colaadaha ayaa loo arkaa xaalad “la maareyn karo”, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan cimilada.

In ka badan 30 sano oo colaado ah ka dib, Soomaaliya waxa ay hoos uga dhacday liiska dalalka mudnaanta la siinayo caalamka. Caqabadaha ay wajahayso ayaa u muuqda kuwa ka imaanaya iskahorimaadyada degdega ah, sida kuwa Ukraine iyo Gaza. Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaastay in Soomaaliya ay u baahan tahay ugu yaraan $1.6 bilyan (qiyaastii £1.2 bilyan) si wax looga qabto baahideeda bini’aadantinimo sanadkan, balse illaa hadda, kaliya 600 oo milyan oo dollar ayaa ay yabooheen dalalka deeqaha bixiya.

Comments are closed